Wasiirka amniga oo War cusub ka soo saaray shaqaaqadii garoonka Aadan cadde

Wasiirada Amniga iyo Gaadiidka oo ay weheliyaan madaxda hay’adaha ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ayaa kulan degdeg ah ka yeeshey shaqaaqadii maanta ka dhacdey garoonka.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubey ayaa sheegay inay  socdaan baaritaan ku aadan  shaqaaqadii maanta ka dhacday gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdiso.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in DFS aysan raali ka ahayn shaqaaqadaas isla markaana talaabo degdeg ahan ay ka qaadi doonaan cidii ay ku cadaato in ay ku lug leedahay.

“Falkii maantay ka dhacay garoonka waxaa u ahaa mid dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka xumaadeen, waxaana la sameyn doona baaritaan la xiriira arrintaas, iyadoo wax laga waydiin doono  hay’adaha ay khuseyso  dhacdadan “. ayuu yiri wasiirka Amniga.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay gacan ka hadal u dhexeeyay shaqaalaha laanta socdaalka iyo ciidamada Nabad-Sugidda.

Isku dhacaan oo aan xabad la isku adeegsan ayaa wuxuu mudda kooban hakiyay shaqadii waaxda socdaalka ee garoonka, waxaana lagu dhaawacay shaqaale ka tirsanaa waaxda socdaalka.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacan uu ka dambeeyay markii shalay dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta waxaana arrintaas soo fara geliyey shaqaale ka tirsan Nabad sugida taasoo sababtay in labada dhinac ay ku murmaan ugu dambeyna uu dhexmaro gacan ka hadal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -